Dawladda Mareykanka Oo Ku Dhawaaqday Boqolaal Milyan Oo La Siinayo Soomaalida

0
Wednesday 28th July 2021 10:00:13 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Mareykanka Oo Ku Dhawaaqday Boqolaal Milyan Oo La Siinayo Soomaalida

    Dawladda Mareykanka Oo Ku Dhawaaqday Boqolaal Milyan Oo La Siinayo Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Mareykanka Oo Ku Dhawaaqday Boqolaal Milyan Oo La Siinayo Soomaalida

Washington (Karin News ) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday.



Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar.


War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo.


Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.


"Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price.


Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan.


Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha.









LATEST NEWS