Shaydaan Ayaa Deeqdan Ku Siiyay!

0
Sunday 1st August 2021 09:15:14 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaydaan Ayaa Deeqdan Ku Siiyay!

    Dalka Masar Gabadh sabool ah aya idaacadda ka codsatay in looga sii daayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Masar Gabadh sabool ah aya idaacadda ka codsatay in looga sii daayo


 in la soo caawiyo iyada iyo caruurteeda Saboolka ah. Markii uu cinwaankeeda helay ayuu nin shuuci ah oo maalqabeen ahi doonay inuu ku dheedheelo. Xoghayntiisa ayuu ku amray inay raashin ku filan oo nooca kasta leh u qaadan, waxaana uu siiyay amaro iyo tilmaamo.

Wuxuu Shuucigan maalqabeenkaa ahi ku yidhi markay idin weydiiso yaa iigu deeqay raashinkan? Waxaad ku odhan doontaa " Shaydaan ayaa kugu deeqay”.

Iasgoo rabay in islaantu argagaxdo oo laga yaabo inay tidhaa iga celiya hadda xoolo shaydaan cuni maaye!.

Markii Islaantii ay u geeyeen way soo dhowaysay, wayna kala wareegtay iyadoo farxsan. Markii ay weydiin wayday ayuu xoghaynta Shuucigu ku yidhi " Miyaanad na weydiinayn cidda kuugu deeqday Raashinkan faraha badan ?”

Islaantii waxay ugu jawaabtay " Maya , muhiim ma ah inaan ogaado , maxaa yeelay, marka Allah (sw) arrin doono, xataa Shayaadiinta ayu kuu sakhriya si ay kuu badbaadiyaan”



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS