Raashiinka Cayilka U Keena Jirkaaga

0
Sunday 1st August 2021 09:30:44 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raashiinka Cayilka U Keena Jirkaaga

    Sida la og yahay cayilka jirka waxaa keena sababo badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida la og yahay cayilka jirka waxaa keena sababo badan
 qaar waxay u noqonayaan cuntada qaarna qaabka nolosha qofka marka hore waa inaad ogaataa caylka waxaa keena oo cuntada ka horreeya waa qalbiga oo degan sidoo kale nasashada badan marka aad eegto caruurta yaryar waxaad arkaysaa inay buuran yihiin oo cayilkooda badan yahay taas waxaa sabab u ah hurdada badan iyo nasashada badan haddii cunto kaste aad cunto oo aadan hurdo fiican helin lagama yaabo inaad cayisho cayilka waxaa keena waa hurdada iyo nasashada marka hadda waxaan ka hadlaynaa cuntooyinka keeni kara cayilka.



Raashiinka cayilka u keena jirkaaga


Marka hore cuntooyinka dufanta leh oo dhan cayil yaya keenaan sida hilibka digaaga subagga caanaha sidoo kale cuntooyinka loo yaqaano macmacaan sida doolshada xalwada buskudka rootiga guud ahaan cuntada sokorta leh iyagana waxay keenaa cayilka .


How can a man be fat?

qofka sidee buu u naaxi karaa ?

qofka rabo inuu naaxo oo cayilo hadduu cuno cuntada aan soo sheegnay oo uuna nasto inta badan wuu cayilaa laakin waxaa laga yaabaa qofka inuu cuno cuntada oo dhan uuna nasto haddana hilib aan qabanin marka maxaa la dhihi karaa qofkaas.

 

 

waxaa laga yaabaa mararka qaarkooda qofka inuu jiran yahay gaar ahaan jirrooyinka la xiriira dheefshiidka waxaa laga yaabaa cuntada jirkiisa gasho inay saamyn ku yeelan karin taasoo sabab u noqon karta vitamiinada cuntada jirkiisa inuusan kala bixi karin.

waxaa la og yahay qofka marka uu cuno cunto waxay u qaybsantaa dhowr waxyaalood jirka ayaa kala qaybsadada dad waxaa jira burutiinada aan kala bixi karin cuntada jirkooda markaas waxay noqonaysaa qofka in dhakhtar uu u tago si jirkiisa loo baaro waxaa laga yaabaa in laga helo cudur reebaya jirkiisa inuu naaxo.

Why Women Are More Obese?

dumarka maxay dhaqsi ugu buurtaan?

raga iyo dumarka isku mid ma aha wax badan ayay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah xagga cuntada iyo fikirka taas ayaa inta badan saamaysa raga.

teeda kale haweenka aad bay u nastaan marka loo fiiriyo raga marka dhaqsi ayay u buurtaan sidoo kale dadkii hore waxay ku dadaali jireen inay buuriyaan gabdhaha maxaayeelay gabadha caatada ah agtooda qiime badan kuma lahayn xagga guurka waxay amaanaan naagaha buurbuuran marka aad eegto gabayada carabta aad baad u arkaysaa maanta oo dhan waxay ka hadlaan naag cayilan.

Is obesity healthy?

cayilka ma caafimaad baa?

dad badan soomaaliyeed aad bay u jecel yihiin inay cayilaan aad bayna noo soo weydiiyaan daawooyinka lagu cayilo laakin ma is weydiinin cayilka ma caafimaad baaa

jawaabta waxay noqonaysaa cayilka badankiisa caafimaadka ayuu dhibaa qof aadka u buuran dhinacyo badan ayuu ka daciifaa marka waxaa ugu haboon dhexdhexaad


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS