Qiso iyo cibro ku saabsan khiyaamadda …….

0
Saturday 7th August 2021 08:20:45 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso iyo cibro ku saabsan khiyaamadda …….

    Maalin ka mid ah maalmaha ayaa boqorkii xayawaanku gaajooday waxa uu ku yidhi ''cunto ii keen dacawoow"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin ka mid ah maalmaha ayaa boqorkii xayawaanku gaajooday waxa uu ku yidhi ''cunto ii keen dacawoow"

 haddii kale adaan ku cunayaa. Dacawgii wuxuu yidhi "i aamin ilaa aan kuu keenayo dameer aad cunto” wuu baxay Dacaygii si u raadiyo Dameer uu cuno Libaaxu. Markii uu helay wuxuu ku yidhi " Libaaxu waxa uu duurjoogta u raadinayaa boqor ee orod oo ka ag dhawow, Dameerkii aad ayuu ugu riyaaqay in uu xilkaa qabto, markii uu u soo dhawaaday Libaaxii doonayna in uu la hadlo, Libaaxii wuu ku soo booday waxaanu goostay labadii dhagood. 




Dameerkiina wuu cararay, Libaaxi waxa uu ku yidhi isagoo cadhaysan "Dacawoow ii keen dameerkan mar labaad’’ haddii kale adaan ku cunayaa. Dacawgii marlabaad ayuu u tagay Dameerkii waxaanu ku yidh: sideed uga tagtaa qasriga boqorka oo aad u lumisaa fursadan. Dameerkii waxa uu ku yidhi Dacawgii, khiyaamadaadu waa mid badheedha waxa aad igu tidhi boqorku waxa uu doonayaa in uu kuu magacaabo boqorka duurjoogta lakiin waxa uu rabay inuu i cuno waana kaa igu soo booday bootin dhagahaygii aan ku waayey. Wuxuu yidhi Dacawgii " in aad dhagahaaga waydo ayey ahayd ” waayo waxa uu rabay in uu taajka boqortooyada ku saaro, Dameerki waxa uu yidhi, waa hadal macquul ah ina mari aan u tagno Libaaxa hadabee, markii uu Dameerkii ku soo dhawaaday, libaaxii wuu weeraray waxaanu goostay dabadii. Dameerkiina wuu firdhaday. Libaaxi wuxuu ku yidhi dacawgii orod oo ii keen dameerkan, dacawgii markale ayuu u tagay waxaanu ku yidhi "waabad i daalisee” mar walba maxaad Libaaxa uga carartaa, dameerki waxa uu ku yidhi;dhagahaygii ayuu goostay, dabadaydiina wuu goostay adna mar walba waxa aad ku adkaysanaysaa in Libaaxu rabo inoo iga dhigo boqorka duurjoogta. Dacawgii waxa uu yidhi siday suura gal ku tahay in aad ku fadhiisato taajka boqorka adoo dabaleh, dameerkii wuxuu yidhi; waa hadal suura gal ah. Dacawgii oo uu la socdo dameerkii waxay u tageen libaaxii mar saddexaad lakiin markani Libaaxi uu qabtay Dameerkii qoorta ayaanu ka jaray waxaanu dacawgii ku yidhi qaad "dameerkan haraga ka soo saar”waxa aanad ii keentaa Maskaxda, kalyaha, beerka iyo feedhaha, dacawgii wuu qaatay amarkii boqorka lakiin waxa uu cunay mastaxdii waxaanu u keenay libaaxii kalyihii, beerkii iyo faadhihii lakiin Libaaxi waxa uu waydiiyey Dacawgii, meeday Maskaxdii. Dacawgii waxa uu yidhi " boqoroow hadduu maskax leeyahay ma uu soo noqdeen markii aad dhagaha iyo dabadaba ka jartay” libaaxi waxa uu yidhi "run baad sheegtay.’’ ….



Qisadan waxa aan ka faa,idaysanaynaa in aynaan dib ugu noqon khaladaadkii aan hore u samaynay kalsoonina siinin qof mar iyo lababa ina khiyaameeyey si aynaan u calaacalin wakhti aanay waxba inoo tarayn …

 

. Ibrahim I Jibril

Hargeisa... ……………… …………………. ……………….


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS