Sidee Ayaan Fashilka UGa Fogaana?

0
Sunday 8th August 2021 08:05:29 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayaan Fashilka UGa Fogaana?

    Dunida isbadalkeedu waa joogto, fikirka aadamiga mar kasta waxa uu xidhiidh la leeyahay hadba duruufta wehelka u ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunida isbadalkeedu waa joogto, fikirka aadamiga mar kasta waxa uu xidhiidh la leeyahay hadba duruufta wehelka u ah.


 Duruufahaasi is barkan ee laga yaabo inay kakan yihiin waxa qofku ku waajahaa caadifad iyo hawo been ah, iyo caqli kartiyi wehelinayso.

Haddii caadifaddu ay ka dheerayso heerka fikirka caqliga dadaal kasta oo aad bixisaa wuxu ku dhamaada eber, laab lakac iyo cadho bud-dhig u ahayd, waana marka aad shakhsiyaad, koox ama deegaan u aragto inay duruufaha kugu xeeran sabab u yihiin.

Marar badan waxaad dareemaysa dhawaaq ku leh " Duruuftan kama gudbi kartid, ilaa aad hesho awood ku taageerta, taasina ma haystid ee iskaga dhex noolow”.

Ilbidhiqsigaasi waa laba midkood inaad fashil noqoto oo aad aqbasho inaad iskaga dhex noolaato inta ay geeridu kuu imanayso, iyo inaad caqliga iyo xikmadda ka faa’iidaysato oo aad siiso jawaab ah " Maya waan ka gudbi kara, anigoon taageero cidna ka sugin, laakiin daariiqa aan marayo waa mid aan anigu jeexanayo oo aan ka fikiray halka uu I geynayo” Odhaahdaasi waa kan ay shakhsiyaad iyo ummado badani ay horumar ku gaadheen.

Waa inaad ka xorowdo cabsida wahsiga, caajiska iyo fadhiidnimada caqliga iyo caadifadda oo ah isha ay ka soo burqato saboolnimada iyo nolol xumidu.

Waxaana jirta weedh tidhaa : " Qof kasta waa hal abuure noloshiisa ah, laakiin dad yar ayaa awood u leh inay nafahood kor uga qaadaan fikradaha wakhtiga.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS