Astaamo Ma Yeelan Karo Nacasku ?

0
Sunday 8th August 2021 08:10:00 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Astaamo Ma Yeelan Karo Nacasku ?

    Haddii aad rumaysan tahay inaad tahay qof wakhti kasta saxan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aad rumaysan tahay inaad tahay qof wakhti kasta saxan,


xubnaha kalena ay yihiin kuwo khaldan, ama gefkaaga aad ku riixdo kuwo aan warba ka hayn, isla maraana faan badan oo is amaana, dhamaantood waa astaamaha qofka caqliga iyo garaadka yar ee nacaska ah.

Qoraagga buugga "Emotional Intelligence”, dareenka garaadkaDr.Travis B. ayaa buugiisa ku cadeeyay in qofka khaladkiisa dusha ka saara dad kale uu yahay qof aan masuuliyad qaadi Karin oo nacas ah, waxaana uu yidhi :” Isla wakhtigaaad dadka kale farta ku fiiqdo, waa marka uu bilaabmayo in laguu arko qof aan mas’uuliyad qaadi karin”.

Waxaana intaasi raaciyay in mas’uuliyadda khaladka uu qofka lihi qaato si aanu u noqon nacas. Waxa kale oo daraasad jaamcadda Michgan ee Maraykanka samaysay ku cadaysay in qofka caqliga badani xalka khaladkiisa uu isagu raadiyo isagoon qofna ku riixin.

Dadka garaadka hooseeya ee nacasayada ahi waxay sameeyeen, inta badan naftooda inay amaanaan si ay u muuqdaan, Waxay ka hadlaan xumaanta iyo dhaliisha dadka kale, xukunka ayay dadka kula degdegaan. Dadka caqliga badan ee fariidka ahi qofna xumaan kulama degdegaan, go’aan degdeg ahna kama qaataan. Waxa kale oo la cadeeyay in dadka garaadka sare lihi ay yihiin kuwo gacan furan oo aan bakhaylo ahayn.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS