Burburka Iyo Kibirku Waa Lamaane!

0
Tuesday 10th August 2021 11:00:06 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burburka Iyo Kibirku Waa Lamaane!

    Japan ayaa ahayd dawlad weyn oo dhulka Aasiya ciidan ahaan iyo dhaqaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Japan ayaa ahayd dawlad weyn oo dhulka Aasiya ciidan ahaan iyo dhaqaale


ahaan aad uga saraysay horaantii qarnigii 20aad, taasi ayaa keentay inay xataa dalka China duulaan ku qaado oo ay gumaysato. Qarnigii 20aad, horaantiisa Japan waxay ka samaysay Aasiya gumaad aad u xun.

Shacbiga dadkiisa ayay iyagoo nool aasi jirtay. Sawirka waxa ka muuqda dad shacab ah oo Shiine ah oo ay ciidanka qabsaday ee Japan ay garaacayaan inta ay xidhxidheen. Waxa kale oo ay iyaguna si arxan daran u dili jireen dumarka iyo caruurta. Taariikhdan ayaa dalka China looga yaqaan waayadii madoobaa ee gumaystaha Japan. Dagaalkii labaad jabakii ku dhacay Japan ayaa sabab looga dhigaa kibirkaasi iyo xasuuqii ay ka geysteen guud ahaan Aasiya gaar ahaan China.

Sanadkii 1945 markii Maraykanku wuxu ku riday Japan Qunbuladii ugu weynd ee dunida la isku rido magaalada Horishima, waxay isu rogtay magaaladu meel qiiq ka baxayo oo keliya.

Qunubuladan ayaa miisaankeedu dhamaa 12500 Ton, oo wadata daynabooyinkii qaraxa samaynayay. Markii ay qunbuladu dhacady dadku wixii dhintay mooyee waxa soo hadhayna waxay galeen waareer, laakiin 20 daqiiqo ka dib ayay dadku wax kala garteen waxaana laga qaaday magaalda sawiro naxdin iyo argagax abuuray..



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS