Hambalyada Jimciyatul Axbaab ee Sanadka Cusub ee Islaamka 1443

0
Tuesday 10th August 2021 11:15:15 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyada Jimciyatul Axbaab ee Sanadka Cusub ee Islaamka 1443

    Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada Waxbarashada Diinta iyo Maadiga ah, Caafimaadka iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah(Jimciyatul Axbaab)waxa ay Munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u diraysaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Sidoo kalena Jimciyatul Axbaab waxa ay Hambalyo taa la mida u diraysaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, iyagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.

Jimciyatul Axbaab waxa ay Illaahay uga baryaysaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Jimciyatul Axbaab waxa ay Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Xafiiska Warbaahinta Jimciyatul Axbaab

 

Hargeysa/Somaliland



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS