Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal oo Ku Eedeeyey Shirkadda Dahabshiil Buburintii Xaruntii Sooyaal Ee Berbera

0
Sunday 29th August 2021 18:10:46 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal oo Ku Eedeeyey Shirkadda Dahabshiil Buburintii Xaruntii Sooyaal Ee Berbera

    "Ninka Ganacsadaha Ah Ee La Yidhaah Dahabshiil Annagu Aanu U Naqaano Dhiigshiil,Gurigaas Guri Ciyaar Ciyaar Kugu Raacaya Horta Maaha ,Taana Ku Abshir."Guddoomiyaha Sooyaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninka Ganacsadaha Ah Ee La Yidhaah Dahabshiil Annagu Aanu U Naqaano Dhiigshiil,Gurigaas Guri Ciyaar Ciyaar Kugu Raacaya Horta Maaha ,Taana Ku Abshir."Guddoomiyaha Sooyaal


Hargeysa (Karin News ) Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Cabdirasaaq Jaamac Xuseen iyo guddoomiye ku-xigeenka Yuusuf Maydal,ayaa si adag uga hadlay xaruntii Jimciyadda Sooyaal ee Magaalada Berbera,taas oo la dumiyey dhaween,isla markaana lagu wareejiyey shirkadda Dahabshiil,waxaanay sheegeen in aanay marnaba aqbalayn in xaruntaas lagu wareejiyo Ganacsade Dahabshiil.



Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Hargeysa ayaa si weyn uga soo horjeestay dumintii xarunta Sooyaal ee Berbera,waxaanay sheegay in aanay marnaba oggolaan doonnin in xaruntaas lagu wareejiyo Ganacsade Dahabshiil


Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal Mujaahid Cabdirasaaq Jaamac Xuseen oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-" Xaruntaa aanu ku lahayn Berbera ee 15 bishan sideed 2021-ka lagu soo qaaday duulaan saq dhexe xafiiskaas oo shaqaynayey oo isaga oo shaqaynaya laga rawaxay labadii habeenimo la galay oo lagu soo qaaday duullaan qaawan oo aanu aad iyo aad uga xunahay,isla markaana aanu cambaaraynayno cid alle ciddii kiis-kaa lahayd oo ah ninka Ganacsadaha ah ee la yidhaah Dahabshiil annagu aanu u naqaano Dhiigshiil oo maanta lacagtaa uu la daba socdo dadkii uu ka helay halgankii.”ayuu yidhi


Waxa uu intaas ku sii daray Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal "taas oo xafiiskaa labaddii habeenimo lagu soo duullay oo waardiyayaashii iyo dadkii xafiiskaa noo joogay ee ka shaqaynayey saqdii dhexe la taxaabay oo la xidh-xidhay iyaga oo hurda oo lagu xidhay saldhiga Magaalada Berbera oo ilaa iminka qaarkood ay xidhan yihiin sabab alle sabab lagu xidhayna aanay jirin oo aan ahayn iyadoo la baabiinayo oo ninkaa ganacsada ahi uu baabiinayo astaantii Halganka iyo taariikhdii halganka iyo wixii ummaddan ay u soo gashay uu ka tirtirayo inuu baabiiyo oo uu hormood u yahay oo aanu doonnayn inay taariikhdii halgankii inay sii jirto,waayo markuu xarumihii wixii intaas oo sannadood la noogu keydinayey ee taariikh ahaa uu maanta cagaf uu mariyey,waxa weeye taariikhdii halganka ayuu la dagaalamayaa.”ayuu yidhi


Geesta kalene Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal Mujaahid Cabdirasaaq Jaamac Xuseen ayaa sheegay in ay meeshaasi ay tahay meel Sooyaal,isla markaana ay Mujaahidiintii SNM leeyihiin,balse aanay noqon doonnin meel dhayal la iskaga qaato oo aanay suuragal ahayn in Dahabshiil iyo qayrkii toonna ay u suuragasho arrintaas "Waxa uu ku andacoonayaa in gurigaa laga iibiyey sannadkii 2008-dii, markaa maamulkaa joogay wakhtigaa ee uu leeyahay wey iga iibiyeen ilaa maalintaa ilaa maanta marba maamulka yimaada ayuu Lacag la daba socdaa oo uu leeyahay meeshaa ha la ii fulliyo meeshaa taariikhda halgankii ayaan u baahanay ha la ii fulliyo,markaa ninkaas waxa aanu leenahay taariikhdaas kuma baaba’ayso kuuna hirgelimayso ,meeshaasi inta ay doonta ha qaadatee Sooyaal ayuun-baa leh ama guri ha laguu dumiyo ama meel ha laguu fulliyo cidda aad doonto la kaasho oo meeshaasi meel kuu cuntamaysa maaha kuuna cuntami mayso,meesha waxa iska leh dadkii halgankaa ka soo qayb-galay agoontoodii naafadoodii,koodii fayoobaa ayaa iska leh cid ay u cuntamayso adiga iyo qayrkaa toona horta ma jirto ,haddii ay maamulka Gobolku been kuu sheegeen oo ay ku yidhaah-deen meeshaa waanu kuu fullinaynaa ee meesha adiga ayaa yeellanaya oo sharci ayaad u yeellanaysaa,horta meel aad sharci u yeellanaysaa ma jirto mana yeellanaysid, waa xarun ay leeyihiin dadkii dalkan u soo shahiiday ee dalkan xorreeyey ,kuwa maanta aad Lacagta iyo fooq-yaddan dhaadheer aad ka heshay naftoodii iyo dhiigoodii weeye.”ayuu yidhi


Sidoo kalena Guddoomiyaha ayaa sheegay in gurigaasi uu yahay dhiigii Mujaahidiinta iyo lafihii,isla markaana aanu dhayal ku qaadan karrayn ganacsade Dahabshiil "Gurigaas guri ciyaar ciyaar kugu raacaya horta maaha ,taana ku abshir,waxa weeye dhiigii Mujaahidiinta iyo lafihii Mujaahidiinta ayaa meesha yaalla haddii aad is leedahay si dhib yar ayaad ku helaysaa, taas mid aad ku helayso maaha .”ayuu guddoomiyaha Sooyaal.


Ugu Dambeyntii waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Sooyaal,waxaanu sheegay isna in ay arrintaas ka soo horjeedaan,isla markaana ay tallo deg deg ah ka yeellanayaan "Waxa uu maamul ku yahay ee uu ku xarragoonayaa waa inamadii ku dhintay Berbera Halgankoodii waaye,halgankoodiin calaamadaas ayaa ka tagaan,calaamadii uu maanta wax ku ahaa inuu baabiiyo ayuu doonnayaa ,waxaan leehaya mujaahidiinta reer Berbera 23 guri oo hantida ayeynu leenahay ayaa meesha inaga yaalla, lacag yar oo la yidhaah meel ayaa laga soo qaaday yaan la idinku dhex tuurin oo aydaan isku khilaafin ee ka dig toonnaada,maashaana inaga ayaa leh ,tallo ka weyn ayaanu ka yeellanaynaa arrinkan,Madaxweynaha waxa aanu ka codsanaynaa meeshaasii meel urur ayey ahayd ee waa in ururkeedii lagu soo celiyaan gacanteeda .”









LATEST NEWS