[Xasaasi:-] "Riyaale Waxa Uu Ahaa Dadkii Loo Adeegsanayey Xasuuqa Ummadda." Madaxweyne Biixi

0
Wednesday 1st September 2021 08:44:48 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi:-] "Riyaale Waxa Uu Ahaa Dadkii Loo Adeegsanayey Xasuuqa Ummadda." Madaxweyne Biixi

    "Riyaale Waxa Uu Ahaa Dadkii Loo Adeegsanayey Xasuuqa Ummadda." Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Riyaale Waxa Uu Ahaa Dadkii Loo Adeegsanayey Xasuuqa Ummadda." Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Karin News) -Madaxweynaha hadda xilka haya ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa cahdigii uu Madaxweyne Riyaale xilka hayey ahaa mid si weyn u mucaaradi jiray,isla markaana erayo addag ku weerari jiray,isagoo xattaa mararka qaar aan odhan jirin Madaxweyne,haseyeeshee ugu yeedhi jiray magaca Riyaale oo keliya.



Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaynu soo qaadan doonno bishii koobaad ee sannadkii 2010-kii mar uu la hadlayey warkayskii Jamhuuriya,isla markaana uu si kulul ula hadlay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-"Horta hadalka Rayaale waxaan u arkaa inuu yahay mid aan u qalmin xilka uu hayo iyo meeqaanka Madaxweyne, kamuu hadal wixii uu ummadda u qaban waayey muddadii uu xilka hayey sida caafimaadka, arrimaha bulshada, shaqo la’aanta, waddooyinka iyo dhaqaalaha, hadalkiisuna wax dhadhan ah bulshada umuu lahayn oo wuxuu ahaa nin iska hadlay oo la hadlayey nin ay siyaasadda isku hayan, laakiin sidii milgaha Madaxweynuhu ku jirtay umuu hadal.”ayuu yidhi


Waxa uu intaas ku sii daray "Horta dadka qurba-joogga ahi waa dadka Somaliland dhisay ee xooggoodii, dhaqaalahooda iyo maalkoodaba ku bixiyey dib-u-dhiska dalka ay ina Rayaale iyo kooxdiisu muddadii ay xilka hayeen waxba ka qaban waayeen.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi Bishii koobaad ee sannadkii 2010-kii


Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa si qaawan u aflagadeeyey Madaxweyne Riyaale,waxaanu sheegay in aanu u qalmin Madaxweynenimadda dalka "xilka xukuumaddiisu qaban wayday ee dhinaca horumarka dalka ah ayey qurbo-jooggu hayaan,Hadalkan ka soo yeedhayna waxa uu muujinayaa caqligiisa iyo garaadkiisu inuu ka hooseeyo mansabka uu hayo oo xilka Madaxweynenimo ee loo dhiibay, ayaa ku cuslaaday oo uu qaadi kari la’yahay, waxaannu muujiyey in aannu garaad badnayn”ayuu yidhi


Isagoo intaas ku sii daray "Tan uu Axmed Siilaanyo kaga hadal waxay ka dhigan tahay maahmaahdii Soomaalida ee ahayd, ‘Layligu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa.’ Waxa ayaan-darro ah sida aannu u xushmaynayn dadka biri’magaydada ah ee dalkan u soo halgamay, dhiiggooda iyo maalkoodiina u huray, xorayntiisa sida Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo kolba loo cago-juglaynayo.”ayuu yidhi


Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi cahdigaas ku eedeeyey Madaxweyne Rilaale inuu kamid ahaa dadkii loo adeegsanayey xasuuqa ummadda reer Somaliland lagula kacay "Sida loo aflgaadaynayo halgamayaashii dalka xorreeyey waxay ayaan-darro iyo cay ku tahay ummadda, waxaanna isweydiin leh 30 sanno ka hor markii Axmed Siilaanyo halgamayey Ina Rayaale waxa uu ahaa dadkii loo adeegsanayey xasuuqa ummadda, manuu ahayn ninkii maanta sidaa u hadli lahaa ee waxay ahayd inuu is dhowro, hadalkaasina ma aha mid Axmed Siilaanyo wax yeelaya ee waa mid halgankii ummadda lagu caayayo.”


Gunaanadkii Madaxweyne Biixi ayaa cahdigaas ku eedeeyey dilalka kale duwan "Ilaa maantaba waxa dadka lagu laynayaa amarkiisa oo aanay ciddina waxba ka waydiinayn, waxaanna ugu dambeeyey labadii qof ee Wajaale oo amarkiisa lagu dilay, labadii kale ee lagu dilay mudaharaadkii dadku kaga soo horjeedeen ciidamada lagu wareejiyey Baarlamaanka, labadii qof ee lagu dilay mudhaharaadkii Degmada Axmed-dhagax, labadii lagu dilay rabshadihii riigga iyo labadii dhulka ee Hawlaha Guud. Dadka amarka Rayaale laba labada loogu dilay way badan yihiin, inta kale ee qof qofka loo dileyna lama soo koobi karo, markaa inuu hadlaba may ahayn.”






LATEST NEWS