Halkuu Ku Dambeeyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseenkii Uu Geellu Isagu Jiray Madaxweyne Biixi?

0
Thursday 2nd September 2021 13:00:52 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Ku Dambeeyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseenkii Uu Geellu Isagu Jiray Madaxweyne Biixi?

    Halkuu Ku Dambeeyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseenkii Uu Geellu Isagu Jiray Madaxweyne Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkuu Ku Dambeeyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseenkii Uu Geellu Isagu Jiray Madaxweyne Biixi?

Hargeysa (Karin News ) Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa la si weydiinayaa halka uu ku dambeeyey waxaana dad baddan ugu dambaysay wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyadda sannadkii 2017-kii.



Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa dadku inta baddan waxay ku xasuustaan weedhihiis ahaa waxaan oggaaday in Muuse Biixi uu Geellu iskugu kaayo jiray,balse tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi xilka loo dhaariyey laguma arrag fagaarayaasha siyaasadda iyo War-baahinta isagoo ka muquurtay inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasaddeed.




Haddaba dadka inta baddan ayaa is weydiinaya halkuu ku dambeeyey Jamaal Cali Xuseen, muxuu la aamusay iyo su’aale kale,haseyeeshee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa inta baddan ku sugan Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in uu ka hawlgallo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,isla markaana uu dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo tababar siinaya qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland



Geesta kale sababaha uu uga haddli waayey xaaladda siyaasadda ee dalka,ayaa ah  mid la xidhiidha,maddaama oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Geellu isugu jirro,waxaa muuqata inuu xeeriynayo arrimahaas qayb-yaaladeed iyo kuwa kale oo dabray.



Dhanka kalene Jamaal Cali Xuseen ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey qoraalo koo kooban ku baahinayey baraha Bulshada,kuwaas oo u badnaa qaar duur xul Siyaasadeed ah, haseyeeshee afartaa sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi laguma arrag meel fagaare ah oo uu kaga hadlayo arrimo siyaasadeed,isla markaana kamuu soo dhex muuqan maddalo siyaasadeed.









LATEST NEWS