Ciidamada BOOLIISKA Somalia oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar

0
Monday 8th November 2021 14:40:02 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada BOOLIISKA Somalia oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar

    Ciidamada BOOLIISKA Somalia oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada BOOLIISKA Somalia oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar



Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah u howl-galay, iyaga oo fulinaya amarkii cuslaa ee ka soo baxay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Ciidamada Booliiska ayaa howl-gal ka bilaabay magaalada Muqdisho, iyaga oo baaris ku sameynayeye xalay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga gala goosha waddooyinka.


Howl-gallada oo lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana lagu arkay ciidamo dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa howl-galkan qeyb ka ahaa la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, si looga hortago ka ganacsiga waxyaabaha maanka beddala oo dhibaato ku haya deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in intii ay socdeen howl-gallada ay saameyn ku yeeshaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Dhankooda saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay ka hortagga falalka ammaanka, kuwa anshax xumo iyo maandooriyaha oo qeyb ka ahaa amarkii Xijaar.
LATEST NEWS