Aragtidii Uu Cabdiraxmaan Cirro Ka Qabay Shirkadda Dp World Ee Dawladdii Silaanyo Dalka Keentay Qore Ismail Shirwac

0
Wednesday 17th November 2021 10:04:16 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtidii Uu Cabdiraxmaan Cirro Ka Qabay Shirkadda Dp World Ee Dawladdii Silaanyo Dalka Keentay Qore Ismail Shirwac

    Aragtidii Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee ku aaddanayd Maalgeshigii shirkadda DP World waxa ay isku beddeshay 4 sannadood oo keli a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidii Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee ku aaddanayd Maalgeshigii shirkadda DP World waxa ay isku beddeshay 4 sannadood oo keli a

h ka dib markii uu indhihiisa ku arkay midhaha iyo guulaha ka dhashay. Si ay isku beddesho midda uu ka qabo Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwana waxa ay u baahantahay 4 sannadood oo kale oo xaqiiqadu hortiisa ku timaaddo, walow aan ka xumahay in mid ka mida siyaasiyiinta dalkeena ugu waaweyn ay ku adagtahay hilaadinta sawir mustaqbal oo ka shisheeya sheekada dadka caadiga ah.

 

 

 

#Taiwan waxa xafiisyo dibloomaasiyadeed oo buuxa ku leh 15 waddan. Waxa sidoo kale Xafiis Wakiileedyo keenna oo kale ah ku leh 3 waddan oo African ah oo ay Somaliland ku jirto, 20 Waddan oo Asian ah, 23 waddan oo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Waddamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku, 3 waddan oo Woqooyiga Ameerika ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Canada, 5 waddan oo ka mida dalalka loo yaqaano Oceania, iyo 6 dal oo reer Koonfur Ameerika ah.





Waxa intaas dheer inay Taiwan martigeliso Xarun weyn oo ay leeyihiin Ururka Midawga Europe (Supranational Union) oo Bishii hore isla qaatay Magaca xafiiskooda oo hore u ahaa Xafiiska Dhaqalaaha iyo Ganacsiga ee Yurub in loo beddelo Xafiiska Yurub ee Taiwan si loo balaadhiyo mandate kiisa.

 

 

 

Marka laga yimaaddo in Taiwan ay saaxiib weyn u tahay Maraykanka oo aan la isku khilaafsanayn inuu yahay dalka saamaynta ugu weyn ku leh siyaasadda dunida, waxa lagama maarmaan ah in la xuso in Somaliland iyo Taiwan iyo dhamaan dalalka reer galbeedka ay midayso aragtida Aayo ka tashiga umadaha, dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha oo marka laga hadlayo siyaasadda ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland noqonaya Saddexada tiir ee ugu waaweyn, kuwaas oo aynu ognahay fikirka uu Shiinuhu ka qabo qodobadan.

 

 

Marka aad badeecad iibinayso waxa muhiim ah inaynu ogaano cidda ay badeecaddaasi ka iibsamayso, sidaas darteed badeecadda ay Somaliland iibinaysaa kama iibsamayso Shiinaha, waxayse ka soconaysaa Maraykan, Yurub iyo Dalalka taageera dimuqraadiyadda iyo xuquuda aadanaha oo ay Taiwan tusaale nool u tahay.

 


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS