Waxaa aad ii yaab geliyay hadalada ka soo yeedhay Fanaanada Sahra Ileys ee ay ku sheegtay in shaqadii looga eryay Ex Wasiir Keysar

0
Wednesday 17th November 2021 10:09:08 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa aad ii yaab geliyay hadalada ka soo yeedhay Fanaanada Sahra Ileys ee ay ku sheegtay in shaqadii looga eryay Ex Wasiir Keysar

    Asalaamu Calaykum Dalka Jarmalka Xukuumadiisa iyo Shacbiga Jarmalkuba waxay dagaal adag la galeen ilaa imikana kula jiraan w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Dalka Jarmalka Xukuumadiisa iyo Shacbiga Jarmalkuba waxay dagaal adag la galeen ilaa imikana kula jiraan w

ax kasta oo hadhaadi ah oo u dhaqan eeg ama u calaamado eeg, ama la aragti ah ficiladii iyo fikradihii uu xanbaarsanaa ee uu ku dhaqmi jiray keligii taliyihii cunsuriga ahaa Hitler iyo Xisbigiisii Naziga ahaa. Waxaana la tirtiray dhaqan kasta oo uu lahaa Nidaamkii Hitler.
Sidaas si la mid ah waxa Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland ku waajib ah in la tirtiro wax kasta oo xun oo u dhaqan eeg ama u ficil eeg ee uu ku dhaqani jiray Nidaamkii Dawladii Digtaytarka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre oo ay ka mid ahayd Cadaalad darrada, musuqa, xadhiga sharci darrada ah iyo in qof muwaadin ah shaqada looga eryo fikir uu aaminsan yahay. Haddii kale waxaa qasaare iyo bar kuma taal noqonaya halgankii qadhaadhaa ee aynu soo galnay ee aynu ku weynay kumanaanka nafood.








No description available.
Waxaa aad ii yaab geliyay hadalada ka soo yeedhay Fanaanada Sahra Ileys ee ay ku sheegtay in shaqadii looga eryay Hees ay sheegtay inay Xisbiga Wadani u qaaday.
Haddii uu run yahay hadalka ay fanaanadu sheegtay, waa foolxumo aad u weyn oo ceeb ku ah Dalkeena, Dawladnimadeena iyo Halgankii aynu usoo galay xorriyadeena.
Waxaan Xukuumada ka codsanayaa inay arrintaas baadhis ku samayso, talaabada ku haboona ay ka qaado cidii falkaas kula kacday Fanaanada. Waxaynu nahay Dal Xor ah oo qof kastaa uu ka heesi karo ama uu ka gabyi karo halkii uu doono.
Somaliland ha Guulaysto
W/Q; Kaysar Maxamed.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS