Maxay ka dhigan tahay Abaal-marinta Caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera.? Qalinkii:- Miyir Cali Xuseen.

0
Sunday 21st November 2021 10:13:24 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka dhigan tahay Abaal-marinta Caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera.? Qalinkii:- Miyir Cali Xuseen.

    Dawlada Hoose ee magaalada Berbera ayaa ku guulaysatay abaal-marin caalami ah oo ay bixiso haayada caalamiga ah ee UNICEF,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Hoose ee magaalada Berbera ayaa ku guulaysatay abaal-marin caalami ah oo ay bixiso haayada caalamiga ah ee UNICEF,


 taasi oo ay kaga mid noqonayso, Dawladaha Hoose ee magaalooyinka ugu wanaagsan caalamka ee wax-ka qabtay adeegyada arimaha bulshada ee aas-aasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka.

War-bixin ay 17-kii bishan Novenber ee 2021-ka, haayada caalamiga ah ee UNICEF baahisay, ayey ku sheegtay in Dawlada Hoose ee magaalada Berbera ay ku guulaysatay, tartan caalami ah oo ay haayadaasi sanadkiiba hal-mar u qabato guud ahaan Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waa-weyn ee caalamka, oo lagu qiimeeyo qaabka ay adeegyadii bulsho ee ay u xil-saarnaayeen ugu adeegeen bulshadii ay xilka iyo shaqada maamul ee Dawlad hoose-ahaaneed ay u hayeen.

Hadaba maxay ka dhigan tahay, Abaal-marinta caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee Berbera? Qiime intee leeg baanay ugu fadhidaa guusheedu, guud ahaan Qaranka JSL.? Waydiimahan oo ay bulshadu aad wax-iskaga waydiinayso, ayeynu qormadeenan kooban, wax-kaga tibaaxi-doonaa. Hadaba, hadii aynu waxoogaa guud mar ah oo sharaxaada ka bixino muga iyo macnaha ay u taagan tahay Abaal-marinta caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee Berbera.





Abaal-marintan ayaa ah mid caalami ah, oo haayada UNICEF sanadkiiba hal-mar ay tartan ugu qabato guud ahaan, Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waa weyn ee caalamka, taasi oo ay haayadu ku qiimayso, dadaalka iyo hab-maamulka iyo hufnaanta xil-gudasho ee ay hogaanada iyo maayarada magaalooyinka caalamka iyo golayaashooda deegaanku uga soo baxeen hogaamintii magaaladooda iyo sidoo kale sida ay bulshadii ay xilka u hayeen ugu adeegeen, adeegyadii arimaha bulshada ee masuuliyadooda Dawlad Hoose-ahaaneed ku waajibinaysay. Gaar ahaana sida ay maamulka Dawlada Hoose ee magaaladaasi iskaga xil-saareen waxna uga qabteen adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada guud ahaan, gaar ahaana waxbarashada iyo caafimaadka caruurta iyo da'yarta magaaladaasi ku nool oo ah ubaxii magaaladaasi usoo kacaayey.

Abaal-marinta Caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee Berbera ee ay bixiso haayada UNICEF oo kamida haayadaha ugu waa-weyn ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, isla markaasina shaqadeedu tahay amaba qaabilsan bad-baadinta iyo horumarinta caruurta iyo da'yarta, ayaa sida ay ku baahisay website-keeda iyo boga-ga ay ku leedahay Baraha Bulshada ayaa waxa ay haayadu ku xustay in magaalada Berbera noqotay magaaladii koobaad ee Afrikaan ah ee kusoo baxday kuna guulaysatay abaal-marintan, taasi oo qoraalkii ay haayadu ku tilmaamaysay arintan mucjisada ku nocday caalamka uu u-dhignaa sidan:"Berbera City - the only African city to reach the finals Local Government led Decentralized Basic Service Delivery Category 6 - Child Friendly Governance"oomacnaheeduna noqonaayoMagaalada Berbera- Magaalada kaliya ee Afrikaan ah ee ku soo baxday finalka Dawlada Hoose oo hogaaminaysay bixinta adeegga aasaasiga ah qaybta 6'aad ee maamulka iyo adeega saaxiibtinimada Carruurta.

Haayada UNICEF oo sidoo kale sii sharaxaysa waxybaaha mucjisada ah ee Dawlada Hoose ee magaalada Berbera kaga mutaysatay abaal-marintan guud ahaan magaalooyinkii kale ee Afrika isla markaasina ay ku noqotay magaalada kaliya ee Afrikaan ah ee sanadkan ku guulaystay abaal-marintan ayaa igaya oo sii sharaxaaya waxa ay qoraalkeeda ku tidhi sidan:





"Berbera, (Somaliland)Local Government-led decentralized basic service delivery,
By investing in a stronger local capacity for planning, budgeting and citizenparticipation, Berbera has successfully expanded access to healthcare andeducation for children – with impressive results".Oo macnaheeduna noqonaayo,Berbera Somaliland:Bixinta adeegga aasaasiga ah ee bulshada oo baahsan oo Dawladda Hoose ee Berbera ay hogaamiso. Iyadoo laga maalgelinaayo awoodeeda Dawlad hoose-ahaaneed ee maxalliga ah oo xooggan, oo loogu talagalay qorsheynta, miisaaniyadda iyo ka qaybgalka muwaadiniinteeda. Berbera waxa ay ku guulaysatay balaadhinta helitaanka daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada carruurta, oo leh natiijooyin cajiib ah.

Hadaba hadii aynu waxoogaa sii dul-istaagno, muga macnaha abaal-marintan caalamiga ah ee haayada UNICEF, siisay Dawlada Hoose ee Berbera, ayaa daraasado iyo baadhitaano mudo dheer socday, oo ay haayada UNICEF ku samaysay hanaanka maamul iyo adeeg ee Dawlada Hoose ee Berbera, ayaa waxa ay haayadu u aqoonsatay Dawlada Hoose ee Berbera iyo guud ahaan magaalada Berberi inay tahay, mid kamida magaalooyinka Aduunka ee danaynta iyo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada Carruurta (CFC) ay ka jirto, isla markaasina magaalada Berbera ay tahay, bulsho ay ka go'an tahay hirgelinta xuquuqda iyo horumarinta nolosha carruurtu."Deegaan bulsho, oo ay codadka, baahiyaha, mudnaanta iyo xuquuqda carruurta oo dhami, ay yihiin qayb muhiim ah, oo ka mid ah siyaasadaha dadweynaha, barnaamijyada iyo go'aamada ugu daruuri-san in wax laga qabto marka ugu horeysaba. Sidaa darteed waa magaalo ku habboon dhammaantood baahiyihii bulshada "ayaa lagu yidhi warbixintan haayada UNICEF.

Dhinaca kale, warbixin kooban oo muuqaala oo haayada UNICEF, ku baahisay website-keeda gaarka ah iyo boga-ga ay ku leedahay Baraha Bulshada, oo ay haayadu ka samaysay daraasadihii ay ku qiimaynaysay heerka nolosha iyo waxqabadka adeegyada bulshada ee maamulka Dawlada Hoose ee Berberi ugu adeegay bulshadiisa iyo waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu kuur-gashay haayadu, xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada arimaha bulshada ayaa waxa sidoo kalena lagu soo bandhigay, isbedelka horumar ee maamulka Dawlada Hoose ee Berbera sameeyey, intii u dhaxaysay sanadkii 2014 ilaa 2021. Taasi oo qodobada muhiimka ah ee lagu xusay ay kamid ahaayeen, isbedelka iyo korodhka dhaqaalaha Dawlada Hoose ee Berbera ku taageerto horumarinta dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka oo sanadkii 2014 ahaa $40'000 ( Afartan Kun oo Dolar) halka uu haatana yahay 1.4 Milyan Dolar, taasi oo aad qiyaasi karto xadiga muga leh ee u dhaxeeya labadaas dakhli.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo warbixintan muuqaalka ah ee haayada UNICEF ay baahisay kaga waramaayey, waxyaabaha uga qabsoomay dhinaca waxbarashada intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2021 ayaa waxa uu yidhi:

" Guulaha ugu waa weyn ee degmadu waxa weeyaan, dhaqaalaha ugu dhaw ee degmada inta degmadii laga soo qaado iyadoo aan meel kale laga doonayn, in isla degmadii lagaga shaqeeyo. Is-bedelada iyo guulaha la-taaban karo ee aan wax ka sheegi karo waxa kamida, waxbarashadii iyo caafimaadkiiba waxay heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay awalba heli jirin oo aanay ka heli jirin degmada. In la helo dawlad hoose oo awood u leh inay Xanaano caafimaad bar-bilowga ka bilaabi karta oo dhisi karto, qalabayn karto.

Waxaanu joogtaynaa maalgelinta dugsiyada iyo wada-shaqeyn xooggan oo aan la-yeesho bahda waxbarashada, intii u dhaxaysay 2014 iyo 2020 waxa kordhay dugsiyada degmada Berbera, 38% Degmada Berbera waxa ay taageertaa in ka badan 10,000 oo arday, oo 46% (Boqolkiiba 46) hablo yihiin, sidoo kale ayaa waxaanu gacanta ku haynaa oo taakulaynaa 47 dugsi hoose/dhexe. Taageerada aanu siinana, waxaa ka mid ah, kordhinta iyo dayactirka fasalada, bixinta mushaaraadka macalimiinta, qalabaynta agabka waxbarashada iyo dhismayaasha, biilka korontada caadiga ah, biyo gelinta, hagaajinta, nadaafadda iyo amniga."

Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo hadalka sii wata kana hadlaaya cadadka dhaqaalaha ay ku taageeraan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa waxa uu yidhi:

" Tan iyo, 2014, Berbera waxay hirgelisay Adeeg bixinta Model (SDM)-A, oo ah hannaan lacag ururin ah oo lagu taageerayo hirgelinta hawlaha daadejinta ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada aasaasiga ah, iyadoo la kaashanayo dawladda Somaliland iyo JPLG/UNICEF. Sidoo kale, dawladda hoose ee Berbera waxay kordhisay tabarucaadka miisaaniyadeed ee lagu taageero, adeegyada aasaasiga ah (Caafimaadka & Waxbarashada) oo markii hore ahaa USD 40,000.00 2014 imikana maraaya inaanu sanadkii ku bixino USD 1,339,872 2021. Tani waxay muujinaysaa dadaalka xooggan ee LG-ku u leeyahay carruurta iyo dhalinyarada.

Dawladda Hoose ee Berbera waxay muujisay inay kaalin muuqata oo firfircoon ku yeelan karaan adeegyada maxaliga ah iyo in maalgashigoodu ka qayb qaadan karo kordhinta helitaanka, tayada iyo joogtaynta adeegyada bulshada ay u adeegaan."

Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo hadalka sii wata kana hadlaaya tayeynta shaqada iyo shaqaalaha Dawlada hoose ee Berbera iyo xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada iyo maamulka degmada, ayaa waxa uu yidhi:

" Awoodda farsamo iyo aqooneed ee shaqaalaha dawladaha hoose berbera ayaa la xoojiyey si ay sida ugu hufan, ugu bixiyaan adeegyada bulshada, sida ugu wanaagsana ugaga jawaabaan baahiyaha bulshada, taasi oo wanaajisay xidhiidhka degmada iyo bulshada. Xubnaha guddiyada waxbarashada bulshada, caafimaadka iyo biyaha ayaa hadda dareemaya awood ay si toos ah ugu soo gudbiyaan cabashooyinka adeeg bixinta, masuuliyiinta ugu saraysa maamulka degmada. Ka dib markii ay shacabku arkeen dawladda hoose oo fulinaysa adeegyada aasaasiga ah, hadda, si habsami leh ayay u bixinayaan cashuuraha, iyaga oo og in ay dib ugu soo noqon doonto."

Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo hadalka sii wata kana hadlaaya qorshayaashooda wax-qabad ee haatan ay ku hawlan yihiin ayaa waxa uu yidhi:

"Marka talaabo la qaadaba tu kale ayaa soo baxaysa, markaa waxa hiigsigayagu yahay inaanu noqono kuwo ku filan baahida dadkooda. Maadaama oo magaaladu mustaqbalka ay waynaanayso oo ay fidayso, in imika loosii calaamadiyo goobtii caruurtu ku ciyaari lahayd, haday kubada tahay iyo haday tahay meelo ay ku nafisaanba. Park-weyn baanu samaynaynaa, beer nasasho, markaa qayb-bay ku leeyihiin qorshahaas aanu samaynayno ee mashruuca weyn ee EU--da aanu ka maal-galin doono. Kharashka ku baxaya degmada Berbera waxa uu muujinayaa waxa la gaadhi karo marka maamul-hoosaadyo la sameeyo xataa haddii ay dhaqaale ahaan xaddidan tahay. Sidoo kale, waa muhiim in dawladaha hoose ay kula xisaabtamaan carruurta iyo haweenku bixinta adeegga aasaasiga ah ee ay xaqa ugu lee-yihiin."

Maayarka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo sidoo kale, 18 Nov 2021, shir-jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga dareen celiyey abaal-marintan caalamiga ah iyo guusha magaaladiisa Berbera iyo Golihiisa Deegaanka ee uu hogaamiyaha u yahay usoo hoyatay, isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:

"Farxadaa aanu kusoo dhawaynayno, ee daafaha caalamka oo dhan looga codeeyey, adeegyada aas-aasiga ah, qaybta waxbarashada iyo caafimaadka. Anagu waxaanu aaminsan-nahay inay tahay masuuliyad anagu aanu leenahay, waxaanu aaminsan-nahay kuwa wax loo qabanayaa inay bulshadayadii iyo dadkayagii yihiin. Markii aanu kaalinta labaad maraynay, ee aan lahayn degmo kaliyaa inaga horaysa, ee ku kiciya, markaanu lahayn, dadkii ku gadooday codaynta, sida fiicana ugu codeeyey, intii hadhay inay Berberi halkan soo gaadho, aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaynaa. Waxaynu la-tartamaynay dawlado aduunka laga yaqaano oo la-citiraafsan yahay. Halku dhig bay u tahay reer Somaliland inay dantooda u haariyaan, oo ay mustaqbalkooda nololeed dhistaan, sidaa suu iskaga imanayaa ictiraafku, ictiraaf uma baahnin aynu maanta daba-soconee, waxaynu u baahanay inaynu dalkeena horumarino."

Qiime intee leeg ayey ugu fadhidaa guusha Abaal-marintan Caalamiga ah ee magaalada Bebera, guud ahaan Qaranka JSL.?

Abaal-marinta caalamiga ah ee ay ku guulaysatay Dawlada Hoose ee degmada Berbera, ayaa waxa ay Qaranka JSL u noqonaysaa, sumcad iyo karaamo mug weyn oo guud ahaan JSL kaga iib-santo bulshada caalamka, taasi kor usii qaadaysa in indhaha dalalka caalamku markale usoo-jeestaan dadaalka ay dadweynaha iyo dawlada Qaranka Somaliland dalkooda ku dhisaanaayeen mudada dheer. Abaal-marintan oo sida ay haayada UNICEF xustay, ay magaalada Berbera noqonayso magaalada kaliya ee Afrikaan ah ee sanadkan ku guulaysta, taasi oo iyaduna markale noqonaysa mucjiso labaad oo arinta guusha abaal-marinta xiise kale iyo qiimo aad weyn kusii kor-dhinaysa.

Abaal-marintan oo sida haayada UNICEF, ku baahisay website-keeda gaarka ah iyo boga-ga ay ku leedahay Baraha Bulshada, la gudoonsiin doono maamulka Dawlada Hoose ee Berbera 20 Nov 2021, oo ku beegan xuska maalinta caruurta Aduunka, taasi oo sanadkasta ay haayadu abaal-marintan gudoonsiiso magaalooyinka ku guulaysta.

 

Maayar Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo mudadii uu hogaanka u hayey Dawlada Hoose ee degmada Berbera, ka hirgaliyey waxqabad mug iyo miisaan culus oo reer Somaliland hore uga marag furay, ayaa waxa ay abaal-marintanina u noqonaysa, marag-fur labaad oo baxaadle oo heer caalami ah, taasi oo Maayar Cabdishakuur iyo guud ahaan Qaranka JSL milge iyo karaamo baaxadle usoo-jiidaysa.

 

 

Qalinkii:- Miyir Cali Xuseen

Saxafi Madax-baan

E-mail:[email protected]

Mobile: 0634046313

Hargeysa/Somaliland





FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS