[War Deg Deg ah:-] Murrashax Cirro Oo Iminka Shaaciyey In Madaxweyne Biixi Shacabka Somaliland U Sheegay Madaxweynaha Bedelaya

0
Sunday 21st November 2021 10:39:06 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg ah:-] Murrashax Cirro Oo Iminka Shaaciyey In Madaxweyne Biixi Shacabka Somaliland U Sheegay Madaxweynaha Bedelaya

    Murrashax Cirro Oo Iminka Shaaciyey In Madaxweyne Biixi Shacabka Somaliland U Sheegay Madaxweynaha Bedelaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murrashax Cirro Oo Iminka Shaaciyey In Madaxweyne Biixi Shacabka Somaliland U Sheegay Madaxweynaha Bedelaya







Murrashaxa Xisbiga Waddani horena u ahaa guddoomiyaha xisbiga waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa iminka bartiisa facebook uu ku leeyahay ku shaaciyey qodobo siyaasadeed oo xaasaasi ah, cirro waxaa uu ku soo halqabsaday qudbadii madaxweyne biixi uu ka jeediyay madaarka berbera oo uu xadhig ka jaris ku sameeyay waxaana uu yidhi cirro




Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweynaha Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shiararkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.














May be an image of 3 people and people standing

Shacabku waxa ay kaa filayeen inaad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.
Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas'e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baalmarsaneyd sharciyadda dalka.
________________________________________
Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

LATEST NEWS