[Xasaasi:-] Wararkii Iyo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Siyaasi Xaashi Iyo Madaxweyne Biixi

0
Monday 22nd November 2021 12:40:28 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi:-] Wararkii Iyo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Siyaasi Xaashi Iyo Madaxweyne Biixi

    Wararkii Iyo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Siyaasi Xaashi Iyo Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Iyo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Siyaasi Xaashi Iyo Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Karin News ) Warar xogogaala oo uu helay Wargeyska Waabari ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu xidhiidh dhanka khadka Telefoonka ah uu la yeeshay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi,kaas oo dhawaan laga saaray Xisbiga KUMIYE,isla markaana waddahaddal la furray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI



Xoggaha oo aanu ka helay illo wareed-yo ka duwan ayaa sheegay in toddobaadkii hore uu Madaxweyne Muuse Biixi uu khadka Telefoonka uu kula xidhiidhay siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi,kaas oo hadda ku maqan dalka debadiisa,waxana la sheegay inuu wadda haddal dheeri uu dhex-maray Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Biixi,isla markaana ay mararka qaar is weydaarsanayeen haddalo kul-kulul.


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac,marka laga yimaado ilo wareed-yada Wargeyska Waaberi uu ka heley xogta xidhiidhkaas dhanka khadka Telefoonka ee uu la sameeyey Madaxweyne Biixi siyaasiga dhawaan laga eryey Xisbiga KULMIYE ee Maxamuud Xaashi Cabdi,kaas oo la sheegay inuu kala hadlay arrimo baddan oo xasaasi ah,kuwaas oo kamid yihiin mustaqbalkiisa siyaasadeed,wadda haddalada uu WADDANI la furray iyo xaalka dumaasha Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE


Waxa kale oo ay xogguhu ay intaas ku dareen in Madaxweyne Biixi uu ugu horeyn u bandhigay Siyaasi Maxamuud Xaashi inuu doonnaya ka Madaxweyne ahaan inay iska laab xaadhaan qardoofooyinkii siyaasadeed ee soo kale gaadhay,isla markaana uu doonnayo inuu ka xaal marriyo wax kasta oo uu ka tabanayo siyaasigaas,taas oo uu sheegay Madaxweyne Biixi inuu diyaar u yahay inuu ka shaafiyo wax kasta oo uu ka tirsanayo siyaasigaas,isla markaana uu ka dalbaday inuu doonnayo inuu la kulmo,waxaana la sheegay in haddalada Madaxweyne Biixi ay u bad-nayeen kuwo uu ku doonnayo inuu ku soo lad-qabeeyo siyaasigan uu afar sanno ka hor ka tuuray tareenka KULMIYE.


Dhanka kalena Xoggaha ayaa sheegay in siyaasi Maxamuud Xaashi inuu si addag uu ula garnaqsaday Madaxweyne Biixi,isla markaana uu ku gacansadhay xod-xodashada laga eedaamay ee uu kale daba tegay hadda Madaxweyne Biixi,isagoo u sheegay in aanay iskugu hadhin waxay ka wadda hadleen hadda,isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu la kulmo ama uu la hadlo,waxaanu u sheegay inay u kale dhammaadeen,isagoo ugu hal-celiyey saxiib kale quusanee Muusow aan kale qoomamo la’aano iyo weedho kale.


Geesta kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ku maqan dalka debadiisa, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan uu ku soo laaban doona dalka,haseyeeshee lama ogga inuu kullanka uu dalbanayo Madaxweyne Biixi la yeellan doonno iyo inuu ku adkaysan doonno mawqifkiisa ahaa saxiib kale quusanee aan kale qoomamo la’aano.!!!









LATEST NEWS