[DEG-DEG:- ] Wax Ka Ogow Magacyada Xildhibaanada Kasoo Jeeda Somaliland Ee Kamid Noqday Baarlamaanka Somaliya Maanta ?

0
Tuesday 23rd November 2021 14:40:32 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG-DEG:- ] Wax Ka Ogow Magacyada Xildhibaanada Kasoo Jeeda Somaliland Ee Kamid Noqday Baarlamaanka Somaliya Maanta ?

    [DEG-DEG:- ] Wax Ka Ogow Magacyada Xildhibaanada Kasoo Jeeda Somaliland Ee Kamid Noqday Baarlamaanka Somaliya Maanta ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[DEG-DEG:- ] Wax Ka Ogow Magacyada Xildhibaanada Kasoo Jeeda Somaliland Ee Kamid Noqday Baarlamaanka Somaliya Maanta ?
Muqdisho(KarinNews)-Maanta waxa si rasmi ah golaha shacabka ee Somaliya uga mid noqday xildhibaano cusub oo kasoo jeeda Somaliland,islamarkaana la sheegay inay Somaliland ku matali doonaan siyaasadda Somaliya.

Xildhibaanadan cusub oo qaarkoodna ay uga tanaasuleen murrashaxiintii la tartamayay kuwo kalena ay kusoo baxeen codad badan ayaa waxa kamid ah wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo markale loo doortey xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Somaliya, kadib markii uu ka guulaystey murrashaxiin la tartamayay.


Xildhibaan Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid. Waxaana uu Maareeye helay codad dhan 96 cod halka murrashaxii la tartamayayna uu helay 3 cod.

Sidoo kalena Kursiga xiga waxaa mar labaad ku soo baxday Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hadhay tartanka.
Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyaduna loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada dooranaysay.

Waxaa sidoo kale kursiga afaraad oo isna tartan loo galay kusoo baxay Maxamed Haaruun oo helay 99 cod, wuxuuna ka adkaaday Axmed Cali Maxamed oo aan helin wax cod ah.

Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu hore u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu hore u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.

Doorashada Somaliya ayaa guddiga doorashooyinku waxay shaaciyeen inay dhamaanayso 24 December ee sanadkan 2021. Waxaana marka la dhamaystiro doorashada golaha shacabka la gudda gali doonaa doorashada madaxtooyada oo lagu dooran doono madaxwaynaha Somaliya manjaraha u hayn doona 4 sanno ee soo socda.

LATEST NEWS