Ururo Iyo Siyaasiyiin Dalbanaya in La Furo Ururadii Siyaasadda+ Warwarka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Dhoola-cadaynta Madaxwayne Biixi

0
Tuesday 23rd November 2021 15:01:00 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururo Iyo Siyaasiyiin Dalbanaya in La Furo Ururadii Siyaasadda+ Warwarka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Dhoola-cadaynta Madaxwayne Biixi

    Ururo Iyo Siyaasiyiin Dalbanaya in La Furo Ururadii Siyaasadda+ Warwarka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Dhoola-cadaynta Madaxwayne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururo Iyo Siyaasiyiin Dalbanaya in La Furo Ururadii Siyaasadda+ Warwarka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Dhoola-cadaynta Madaxwayne Biixi

Hargeysa(KarinNews)- Bilihii u danbeeyey waxa si wayn isku soo taraya siyaasiyiinta iyo ururada sida wayn u taageersan in la furo ururadii siyaasadda Somaliland oo xisbiyada siyaasadda uu wakhtigooda dhicitaankoodu ku eeg yahay December 2022.

Siyaasiyiintan iyo ururadan ayaa baaq mudooyinkii u danbeeyey u dirayay madaxwaynaha Somaliland iyo golaha baarlamaanka Somaliland, iyaga oo lagu tilmaamay inay yihiin dad abaabulan oo doonaya in doorashada madaxtooyadu ay dib u dhacdo, ururadii siyaasaddana la furo, ka hor wakhtiga dhicitaankooda.


Qorshahan u muuqda mid dabada laga riixayo ayaa warwar ku abuurey xisbiyada mucaaradka Somaliland oo walaac ka qaba in la furo ururadii iyada oo aan la gaaadhin doorashada madaxtooyada oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar sanad.

Maanta shir jaraa'id waxa magaalada Hargeysa ku qabtey siyaasiyiin iyo ururo sheegay inay diyaar u yihiin in la furo ururadii siyaasadda Somaliland. waxaana war-murtiyeed ay wada jir usoo saareen warbaahinta u akhriyey Prof Cabdisalaan Yaasiin.

Halkan Hoose Ka Daawo baaqa Ururada Iyo Siyaasiyiinta Somaliland


LATEST NEWS