Shirkadda lagu wareejiyay Madaarka Berbera (BIAC) waa Qandaraas sharci jebina iyo naasnuujin cid gaara la siiyay!

0
Tuesday 23rd November 2021 18:25:35 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda lagu wareejiyay Madaarka Berbera (BIAC) waa Qandaraas sharci jebina iyo naasnuujin cid gaara la siiyay!

    Madaarka Berbera waxa maamalaysa shirkadda gaarka loo leeyahay ee BIAC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaarka Berbera waxa maamalaysa shirkadda gaarka loo leeyahay ee BIAC


, shirkaddaas sharci ahaan xalaal ma’aha waa xaaraan iyo sharci jebin, Dastuurka Qodobka 53 farqadiisa 3aad ayaa sheegaya in heshiiska shirkadaha nooca BIAC la geeyo golaha Wakiilada, golaha wakiilada lama geyn. Qodobka 11 farqada 1aad Dastuurku wuxuu si cad u diiday in aan khayraadka iyo dhaqaalaha dalka kooto cid gaara loogu xidhin, BIAC waa kooto cid gaara loo xidhay, waxa la baalmar XEER LR 82/2018 oo waajibinaya in la mariyo guddida qandaraasyada qaranka si daahfuran laguna tartamo, goormaa lagu tartamay?




Maanta haddi diyaaradi ku gubato Madaarka yaa leh masuuliyadda? ma qarankaa qaadaya mise qofafka loo xidhay adeegga? waa maxay masuuliyadda iyo shaqada Haayadda Dulimaadyadu? inanka jooga Haayadda Duulimaadayada yaa ka madaxbaaneeyay Madaarka Berbera? BIAC Waxay maamulaysa ammaanka, raraka alaabta iyo maamulka Madaarka dhammaantii, Madaarka Hargaysa wuxuu ku jiraa gacanta Dawladda, waa maxay baahida keentay in shirkad gaara gacanta loo geliyo ka Berbera maxay tahay ?


Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme

 

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS