[Xaasaasi:-] Xisbiga Kulmiye Oo Soo Wada Qorshe Siyaasadeed Oo Uu Ku Kala Shaandheynayo Madaxda Xisbiga Iyo Siyaasaddiisa Wakhtigan

0
Wednesday 24th November 2021 08:29:13 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xaasaasi:-] Xisbiga Kulmiye Oo Soo Wada Qorshe Siyaasadeed Oo Uu Ku Kala Shaandheynayo Madaxda Xisbiga Iyo Siyaasaddiisa Wakhtigan

    Xisbiga Kulmiye Oo Soo Wada Qorshe Siyaasadeed Oo Uu Ku Kala Shaandheynayo Madaxda Xisbiga Iyo Siyaasaddiisa Wakhtigan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Soo Wada Qorshe Siyaasadeed Oo Uu Ku Kala Shaandheynayo Madaxda Xisbiga Iyo Siyaasaddiisa Wakhtigan






Waxaa gudaha xisbiga kulmiye laga helayaa xogo culus oo ku saabsan sidii isku shaandheyn cusub loogu sameyn lahaa madaxda xisbiga kulmiye oo haatan saluug badan ka haysto dhinaca taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo dadka daneeya siyaasadda xisbiga kulmiye.

Wararka la helayo waxay tibaxaayaan in ay galaafan doonto isku shaandheyntani rag badan oo wakhtiyadii ugu dambeeyay xisbiga kulmiye siyaasaddiisa saqiiriyey, kuwaas oo dhaqano xisbiga kulmiye ka dhan ahaa ku soo biiriyey intii la magacaabay, si kastaba ha ahaatee xisbiga kulmiye ayaa gudihiisa ku mashquulsan sidii xisbiga kulmiye kala huf iyo kala haadin culus lagu sameyn lahaa maadaama xisbiga waddani oo ay col daahi go’ay dhanka siyaasadda ka yihiin uu qaaday tallaabooyin cul-culus iyo jawi siyaasadeed oo ay galiyeen siyaasaddii la yaqaanay ee gudaha somaliland,.

Lama garan karo wakhtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo, balse waxay isku shaandhayntani ka bilaabantay shaacintii labada wasiir damacooda Mudane Xasan Gaafaadhi iyo wasiir maxamed iyo waliba kulankii aan caadiga ahayn ee xisbiga kulmiye dhawaan yeeshay guddidiisu ee uu hogaaminayey wasiir Maxamed Kaahin.








LATEST NEWS