[XASAASI]- Cabsida Laga Qabo Dagaalo Sanaag Ku Dhex Mara Somaliland Iyo Puntland + Ruqaansiga Ciidamada Somaliland Iyo Warwarka Ciidamada Puntlnd

0
Wednesday 24th November 2021 09:17:48 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XASAASI]- Cabsida Laga Qabo Dagaalo Sanaag Ku Dhex Mara Somaliland Iyo Puntland + Ruqaansiga Ciidamada Somaliland Iyo Warwarka Ciidamada Puntlnd

    [XASAASI]- Cabsida Laga Qabo Dagaalo Sanaag Ku Dhex Mara Somaliland Iyo Puntland + Ruqaansiga Ciidamada Somaliland Iyo Warwarka Ciidamada Puntlnd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[XASAASI]- Cabsida Laga Qabo Dagaalo Sanaag Ku Dhex Mara Somaliland Iyo Puntland + Ruqaansiga Ciidamada Somaliland Iyo Warwarka Ciidamada Puntlnd

Ceerigabo(KarinNews)-Wararka aan ka helayno deegaanka Yube ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka bilaabeen kuwa Somaliland.

Wararka ay helayso KarinNews ayaa sheegaya in, dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Somaliland uu si gar ah ugu waajahan yahay dhinaca deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, xili ay halkaas meel u dhow fadhiisimo waa weyn ka sameysteen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.



Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay wataan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal oo gaaray illaa 18, kuwaasi oo ku wajahan deegaanka Hadaaftinimo.


Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale ka bilowday qeybo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag, waxayna imanayaan xili ay dhawaan halkaas tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.


Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Puntland ay laftigoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, waxaana deegaanadaas laga dareemaya cabsi weyn oo soo food saartay dadka ku nool.


Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka Sanaag, wuxuuna inta badan murankoodi ku saleeyay maamulka deegaanada xaduudka.


LATEST NEWS