[DEG DEG ]- Kulmiye Oo Xaalad Cusub Galay Iyo Wasiir Kaahin Oo Amar Dul Dhigay Afhayeen Buuni.

0
Wednesday 24th November 2021 10:05:24 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG ]- Kulmiye Oo Xaalad Cusub Galay Iyo Wasiir Kaahin Oo Amar Dul Dhigay Afhayeen Buuni.

    [Xog Xasaasi Ah ]- Kulmiye Oo Xaalad Cusub Galay Iyo Wasiir Kaahin Oo Amar Dul Dhigay Afhayeen Buuni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Xog Xasaasi Ah ]- Kulmiye Oo Xaalad Cusub Galay Iyo Wasiir Kaahin Oo Amar Dul Dhigay Afhayeen Buuni.
Hargeisa(KarinNews)-Xisbul xaakimka KULMIYE  ayaa wakhtigan galay waji cusub oo siyaasadeed oo dhinacyada ku loolamayaa midkasteba uu ku muujinayo awoodiisa.

Xogo la isku halayn karo oo ay heshay KarinNews ayaa xaqiijinaya in wasiirka arrimaha gudaha ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa amar uu soo saarey afhayeenkii xisbigaasi Cabdinaasir Buuni kaga mamnuucay in afka xisbiga uu kula hadlo warbaahinta,marka uu si shakhsi ah qof ugu jawaabayo.


Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidol kalena afhayeen cabdinaasir Buuni ka joojiyey shirarkii jaraa'id ee aflagaadada ahaa, isaga oo ku amrey in aanu afka xisbiga ku hadal ilaa madaxda xisbigu la ogtahay maahane.

Talaabadan wasiirku qaaday ayaa si wayn loo soo dhaweeyey, waxaana ay kusoo aadaysaa xilli afhayeenka KULMIYE marar badan isaga oo ku hadlaya afka xisbiga KULMIYE uu shakhsi weerar ku qaaday masuuliyiin xisbiga ka tirsanaa oo laga saarey iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Wasiir Kaahin ayaa talaabadan uu qaaday lagu tilmaamay mid uu ku muujinayo awoodiisa, uuna ugu diyaar garoobayo qorshaha la wareegista xisbiga KULMIYE.

Afhayeen Buuni ilaa hadda dhankiisa wax talaabo ah muu qaadin.

LATEST NEWS