Xaaladihii U Danbeeyey Ee Sudan Iyo Raysal Wasaare Hamdook Oo Amar Dad Badan Ka Farxiyey Soo Saarey

0
Wednesday 24th November 2021 11:27:06 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladihii U Danbeeyey Ee Sudan Iyo Raysal Wasaare Hamdook Oo Amar Dad Badan Ka Farxiyey Soo Saarey

    Xaaladihii U Danbeeyey Ee Sudan Iyo Raysal Wasaare Hamdook Oo Amar Dad Badan Ka Farxiyey Soo Saarey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladihii U Danbeeyey Ee Sudan Iyo Raysal Wasaare Hamdook Oo Amar Dad Badan Ka Farxiyey Soo Saarey

Ra’isul Wasaaraha dib loo soo celiyay ee dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay, in la billaabay baaritaan ku saabsan tacadiyadii loo geystay dadkii dhigay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday afgambigii uu militariga sameeyay bishii hore.


Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Hamdok uu warka kaga dhawaaqay kulan uu xalay fiidkii la yeeshay Ururka Awoodda Isbaddalka iyo Xorriyadda ee loo soo gaabiyo (FFC) oo ah dhaq-dhaqaaqa ugu weynaa ee ururada rayidka ah ee kasoo horjeestay taliska militariga Sudan.



FFC ayaa Axaddii sheegay inaysan aqoonsan doonin heshiis kasta oo ay ku lug leeyihiin taliska millatariga, Iyaga oo ku adkeystay in la baabi’yo dhammaan magacaabistii ay millitarigu sameeyeen muddadii ay maqneyd dowladda kumeel gaarka ee rayidka ah.


Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadii looga soo horjeeday afgambigii Sudan ka dhacay 25-ki bishi October.


Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay dilka dadka rayidka ahaa.


LATEST NEWS