[ DEG DEG ]:- Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Oo War Cusub Kasoo Saarey Doorashooyinka Golaha Shacabka

0
Wednesday 24th November 2021 15:32:12 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ DEG DEG ]:- Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Oo War Cusub Kasoo Saarey Doorashooyinka Golaha Shacabka

    Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Oo War Cusub Kasoo Saarey Doorashooyinka Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Oo War Cusub Kasoo Saarey Doorashooyinka Golaha Shacabka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga musharrixiinta Somaliya ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka, balse uu walaac xoogan ka muujinayo habka ay ku bilaawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Qoraal gaar ah oo uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in doorashada ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loogu talo galay muddo ku dhow sanad ayna u baahantahay dardargelin iyo in laga feejignaado dib u dhac ku yimaada mar kale wakhtiga loo qabtay dhamaystirkeeda.


Waxa uu sidoo kale Iftiimiyey mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed in ay dalka ka jiraan Abaaro, nabadgaliyo xumo iyo hoos u dhac dhaqaale oo baahsan. Waxaana uu tilmaamay in ay walaac ka qabaan in arrimahaasi oo dhani ay sabab u noqdaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka, muhiim na ay tahay in bulshada loo tudho, sidoo kalena la qato doorashoyin daah furan oo heshiis lagu yahay.

Wuxuu dhanka kalena walaac xoogan ka muujiyay sida ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo, ayna keeni karto inuu muran ka dhaco natijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furnaanta doorashada iyo habraacyadi lagu heshiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay golaha wadatashiga inay xaliyaan dhamaan tabasho kaste oo jirta.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hannaankii lagu heshiyay ee doorashada Golaha shacabka kana fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taasoo dhaawici karta natijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.


LATEST NEWS