[XAASAASI:-] Amb Baashe Oo Si Toos Ah U Caddeeyay Kulankii Madaxweyne Biixi Dhex Maray Iyo Xisbigiisa …

0
Thursday 25th November 2021 07:54:35 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XAASAASI:-] Amb Baashe Oo Si Toos Ah U Caddeeyay Kulankii Madaxweyne Biixi Dhex Maray Iyo Xisbigiisa …

    Amb Baashe Oo Si Toos Ah U Caddeeyay Kulankii Madaxweyne Biixi Dhex Maray Iyo Xisbigiisa …

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb Baashe Oo Si Toos Ah U Caddeeyay Kulankii Madaxweyne Biixi Dhex Maray Iyo Xisbigiisa …


 

 

Hargeysa (Karin News):- ka dib markii uu madaxweyne biixi isku shaandhayntii ugu dambeysay ku soo daray Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ahaa safiirkii Kenya u fadhiyay Somaliland inuu xilkii ka qaaday una magacabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda islamarkaana uu iska casilay xilkaasi Amb baashe waxaa xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweyne Biixi iyo Amb Baashe cirka isku shareertay markeliya taas oo gaadhay in wafti culus lagaga daba diro imaaraadka carabta Amb Baashe oo uu u diro Madaxweyne Biixi si ay ugala hadlaan xaaladda u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Amb Baashe, waftigaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Saylici iyo Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo ay madaxweynaha isku beel ka soo jeedaan.

Kulankaas oo ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee Somaliland Alxaaji Axmed Silaanyo, waan dabadeed waxaa la isla qaatay in Safiir Baashe Iyo Madaxweynuhu is fahman, si kastaba ha ahaatee waxaa uu safiir baashe la socday wafitgiii Madaxweyne Biixi hogaaminayey ee booqday madaarka berbera oo xadhig ka jaris madaxweyne biixi u tegay , waxaana qudbadiii uu madaxweynuhu kaga hadlay furista madaarka ku soo halqabsaday in safiir Baashe yahay biy-culustii ka ciidaminayey isku xidhka mashruuca balaadhan ee dekadda iyo madaarka berbera.










May be an image of 2 people and text




Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo wada isku shaandhayntii ugu cuslayd ee uu ku kala hufayey xukuumaddiisa kuna soo darayey safiir baashe oo aanay la’aantii soconayn xukuumadda madaxweyne muuse biixi hogaaminayo.

 

 

 

 

 

 

Geesta kale Amb Baashe Cawil ayaa ka hadlay hadal haynta badan ee dhalisay kulanka isaga iyo madaxweyne biixi waxaana uu yidhi " Anigu waxaan ahay Kulmiye , madaxweynahana (Muuse Biixi) horena waan u kulanay haddana waan kulanay , ragii dhisay ayaan ahaa imikana waan barbar jooga oo xilkii uu ii magacaabay uun baan ka cudur daartay ee majirto wax naga dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha ". ayuu yidhi Baashe Cumar oo u waramayay Horyaaltv

Dhinaca kale waxa uu bogaadiyay hogaanka cusub ee xisbiga Waddani

" Xirsi iyo xubnaha kale ee hogaanka xisbiga Waddani ee la doortay waan hambalyaynayaa "Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar .

 


LATEST NEWS