Waxa Qorey:- C/laahi Caarshe Lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

0
Thursday 25th November 2021 08:01:59 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Qorey:- C/laahi Caarshe Lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

    Madaarka caalamiga ee Berbera International Airport kuwa dhaliilaya ama wax ka sheegayaa waxaan ku tilmaami karaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaarka caalamiga ee Berbera International Airport kuwa dhaliilaya ama wax ka sheegayaa waxaan ku tilmaami karaa



in ay guud ahaanba ka soo horjeedaan horuumarka dalka, waayo qof walba oo jecel somaliland waxaa uu arkayaa qiimaha uu qarankan u leeyahay madaarka Berbera.

Waxaan shaki ku jirin sida qiimaha leh ee loo dhisay madaarka Berbera, lacagta la geliyey qiimaha wayn ee uu qaranka ugu fadhiyo iyo maanta inaga oo haysanaa madaar casri ah oo ka mid noqonaya madaarada afrika ugu dheer dhinaca Run-wayga, sidoo kale waa madaar aan waxba laga bedelayn 50 sano ee soo socda dhinaca Runwayga.


Sida aynu wada ognagay waxaa maalgelisay madaarka Berbera International Airport dowlad aan walaalaha nahay ee Imaraadka Arabta iyada oo ay ku baxday 55milyan, iyaga ayaa gacantooda ku dhisay, kuwa leh waxbaa la musuqay iyo waxbaa cid loo xidhay waxaa haboon horta in ay fahmaan sida ay u shaqeeyaan madaarada calaamku ama guud ahaanba Civil Aviation ku waa wax u baahan aqoon madaradana dunida shirkado ayaa ka shaqeeya, mana jirto wax xukuumada u diidaya in ay cid heshiish kula gasho, heshiish madaarka Berbera horay ayay labada gole u ansixiyeen.

Shirkada ka hawl gelisay madaarka Berbera International Airport waxaa leh dowlada inoo maalgelisay madaarka waxayna ku soo xidhaysa madaarka Berbera duulimaadyo ganacsi ama business flights, waxaana uu noqonayaa madaar adduunka isku xidha, sidoo kale shirkada BIAC waxay ku joogtaa heshiish shaqada ay qabaysaana waa adeeg ay bixinayso awoodeeduna waa administration, dowladuna ama ay hay'ada Duulistuna waxay leedahay Regulatory gii oo dhamaan hay'ada Duulista ayaa bixinaysa ogolaanshiiya diyaarada, shuruucdii kale iyo siyaasada guud ee lagu hagayoba.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS