[ SIR CULUS ]:- Ex Wasir Axmed Muumin Seed Oo Baadhitaan Musuq-maasuq La Galinayo + Yaa Amarka Bixiyey ? Lacagta Maqan Waa Imisa ?

0
Monday 29th November 2021 15:35:48 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ SIR CULUS ]:- Ex Wasir Axmed Muumin Seed Oo Baadhitaan Musuq-maasuq La Galinayo + Yaa Amarka Bixiyey ? Lacagta Maqan Waa Imisa ?

    [ SIR CULUS ]:- Ex Wasir Axmed Muumin Seed Oo Baadhitaan Musuq-maasuq La Galinayo + Yaa Amarka Bixiyey ? Lacagta Maqan Waa Imisa ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[ SIR CULUS ]:- Ex Wasir Axmed Muumin Seed Oo Baadhitaan Musuq-maasuq La Galinayo + Yaa Amarka Bixiyey ? Lacagta Maqan Waa Imisa ?
London(Karinnews)-Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku siiyey hanti dhawrka guud ee qaranka inuu baadhitaan rasmi ah ku sameeyo wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed oo dhawaan madaxwayne Biixi xilka ka qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa KarinNews u xaqiijiyey in madaxwayne Biixi amarkan ku bixiyey kadib markii uu dareemay in Axmed Muumin Seed uu markale dib ugu biirayo xisbiga WADDANI, taasina ay meesha ka saarayso damacii iyo codkii uu iskaga halaynayey xisbigiisu magaalada Borama. Waxaana la sheegay in Hanti dhawraha guud uu Ex wasiir Axmed Muumin Seed khadka telefoonka kula xidhiidha kuna wargeliyey inuu ugu yimaado xafiiska.


Lacagta maqan ee lagu eedaynayo Wasiir hore Seed ayaa dhan 3 Milyan oo Dollar oo hay'adda beeraha u qaabilsan qaramada Midoobey ee FAO ay ku bixisay la dagaalanka Ayaxa ka dilaacay Somaliland, balse lacagtaasi 1Milyan iyo 150 kun oo Dollar la la' yahay mel ay martey kadib baadhitaano la sameeyey.

Wasiir hore Axmed Muumin Seed ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana la sheegay in uu waddo dadaalo lagu joojinayo baadhitaankan musuq-maasuq, isaga oo durbana abaabulay madaxdhaqameed uu horkacayo Suldan Dhawal oo si fool ka foola ah ula kulmaya madaxwayne Biixi.

Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin hore ee gobolkaasi kasoo jeeda ayaa la tibaaxayaa inay ku biirayaan WADDANI, madaama oo sidan oo kale beesha madaxwayne ku xigeenkuna ay dhawaan toos u taageereen xisbiga WADDANI madal ay ku qabsadeen Borama.

Lama garanayo xaalku sida uu noqon doono.
LATEST NEWS