[Xasaasi:-] " Carruurta Waxa Xala xidhaa Danbiilayaal Ka Da' Weyn, Mana Laha Xabsiga U Gaar Ah" Maxamed Sidiiq Dhamme

0
Tuesday 30th November 2021 13:29:42 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi:-] " Carruurta Waxa Xala xidhaa Danbiilayaal Ka Da' Weyn, Mana Laha Xabsiga U Gaar Ah" Maxamed Sidiiq Dhamme

    [Xasaasi:-] " Carruurta Waxa Xala xidhaa Danbiilayaal Ka Da' Weyn, Mana Laha Xabsiga U Gaar Ah" Maxamed Sidiiq Dhamme

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Xasaasi:-] " Carruurta Waxa Xala xidhaa Danbiilayaal Ka Da' Weyn, Mana Laha Xabsiga U Gaar Ah" Maxamed Sidiiq Dhamme
Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa si wayn walaac uga muujiyey xaaladda xabsiyada Somaliland oo uu sheegay ina yihiin kuwo  u baahan casriyeyn iyo dib u habayn.

Xoghayaha ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in caruurta gafkaka gala sharcigu aanay lahayn xabsi,maxkamad iyo garsoorayaal u gaar ah oo kiiskooda qaada. waxaana uu iftiimiyey in lagu xidho caruurta xabsiyada ay ku xidhan dambilayaasha dambiyada waa wayn galay.


qoraalkiisa ayaa u dhignaa sidan

"Somaliland waxa ka jira 14 Xabsi, Xabsiga Hargeysa wuxuu qaada illaa 650 Maxabuus wuxuu ka koobanyahay 4 baloog, Xabsi dumarka loogu talo galay waxa jira Xabsiga Gabiley oo keliya kana kooban 3 qol, 30 sano oo ay Somaliland jirto ma jiro Xabsi gaar u ah carruurta sharciga khilaafta, xaq waxay u leeyihiin Xabsi gaara, maxakamad gaara iyo garsoor u tababaran, Carruurta waxa lala xidhaa danbiilayaal ka da’weyn in dhaqankoodu kusoo hagaaga daaye waxay soo baxaan iyagoo gasariiray oo la soo baray xirafado budhacadnimo iyo gelida denbiyo cusub. Xukuumadda waxa waajib ku ah in Jeelkii carruurta ee Mijo-caseeye dub loo furo."
LATEST NEWS