[DEG DEG:-] Somaliland Oo Markale Cadaysay Mawqifkeeda Dagaalada Ka Socda Itoobiya

0
Wednesday 1st December 2021 10:15:54 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:-] Somaliland Oo Markale Cadaysay Mawqifkeeda Dagaalada Ka Socda Itoobiya

    [DEG DEG:-] Somaliland Oo Markale Cadaysay Mawqifkeeda Dagaalada Ka Socda Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[DEG DEG:-] Somaliland Oo Markale Cadaysay Mawqifkeeda Dagaalada Ka Socda Itoobiya

Hargeysa(KarinNews)- Wasiirka Wasaaradda  arrimaha dibada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso waxkasta oo nabad kusoo dabaali kara dalka Itoobiya oo xilligaan ay ka socdaan dagaalo sokeeye.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da wuxuu sheegay in Somaliland ay dhex dhexaad ka tahay waxa xilligaan ka socda Gudaha dalka Itoobiya, xilli dhawaan soo baxayeen in Madaxweynaha Somaliland uu taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF.

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Somaliland kaliya uu kala hadlsy Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar oo booqasho ku tegay Hargeysa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC ayaa dhawaan qortay in waxyaabihii ay ka wada hadleen dhawaan Madaxweynaha somaliland iyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ay kujirto Madaxweynaha Somaliland oo taageeray dagaalka dowladda Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF


LATEST NEWS