[DEG DEG:-] Booliska Somaliland Oo Laascaanood Hawgal Ka Wadda+Maxaa Soo Kordhay?

0
Thursday 2nd December 2021 10:46:42 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:-] Booliska Somaliland Oo Laascaanood Hawgal Ka Wadda+Maxaa Soo Kordhay?

    [DEG DEG:-] Booliska Somaliland Oo Laascaanood Hawgal Ka Wadda+Maxaa Soo Kordhay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[DEG DEG:-] Booliska Somaliland Oo Laascaanood Hawgal Ka Wadda+Maxaa Soo Kordhay?

Laascanood(KarinNews)-Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay ka dhaceen falal Amni darro.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baadhayeen gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, halka qaarkood ay ka fiiqayeen muraayadaha madoow ee loo yaqaan (Bensalka ama Beersoolka).

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii amniga loo xaqiijin lahaa loogana hortegi lahaa falalka amni darro.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, balse waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada habeenkii ah sida,nkaas oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa kuwa amni darrada ka wada Magaalada laas-Caanood ee Gobolka Sool.

Dhawaan ayay aheyd markii weerar bambaano lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Booliska Somaliland walow babkaas uusan geysan wax qasaaro ah.


LATEST NEWS