Al-shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Guryo Dad Shacab Ah Lahaayeen Oo ku Yaala Shabeelada Dhexe + Dadkii Oo Qaxay Iyo Xaaladda Oo Kacsan

0
Thursday 2nd December 2021 13:03:37 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Guryo Dad Shacab Ah Lahaayeen Oo ku Yaala Shabeelada Dhexe + Dadkii Oo Qaxay Iyo Xaaladda Oo Kacsan

    Al-shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Guryo Dad Shacab Ah Lahaayeen Oo ku Yaala Shabeelada Dhexe + Dadkii Oo Qaxay Iyo Xaaladda Oo Kacsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Guryo Dad Shacab Ah Lahaayeen Oo ku Yaala Shabeelada Dhexe + Dadkii Oo Qaxay Iyo Xaaladda Oo Kacsan
Muqdisho(KarinNews)-kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah Diinlaawe iyo Mansuur, wallow aan si rasmi ah ilaa hadda loo xaqiijin baaxadda khasaaruhu leeg yahay, hadana waxa lasiooo tabiyey in dad badan ay ka barakaceen deegaanadaasi, kadib cabsi kasoo food saartey Al-shabaab.


Wararka ayaa sheegaya in arrintan ka dambeysay, kadib markii duleedka Mahadaay lagu dilay laba oday dhaqameed oo ka mid ahaa dadka deegaanka, balse fulinayey amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ahaa in la baabi’iyo beero la’isku heesto oo ku yaal halkaasi.

Dilka odayaasha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen dad beeraleyd ah oo ka carooday in la burburiyo beerahooda oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, kadibna waxaa la sheegay in gudaha u galeen Diinlaawe iyo Mansuur dagaalyahanada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaal deegaanadaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Qoysaska barakacay ayaa haatan gaaray deegaanada oo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, balse aysan joojin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeelaha iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan falkaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli degmooyin iyo deegaano ka heesta Al-Shabaab oo amaro adag dul-dhigta dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.
LATEST NEWS