Jookarka Siyaasadda Maxamuud Xaashi Oo Warwar Kale ku Abuurey Mucaaradka Iyo Nuxurka Kullan Uu Xalay La Qaatey Xildhibaano Saameyn Ku Leh Golaha Wakiilada

0
Thursday 13th January 2022 10:14:24 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jookarka Siyaasadda Maxamuud Xaashi Oo Warwar Kale ku Abuurey Mucaaradka Iyo Nuxurka Kullan Uu Xalay La Qaatey Xildhibaano Saameyn Ku Leh Golaha Wakiilada

    Jookarka Siyaasadda Maxamuud Xaashi Oo Warwar Kale ku Abuurey Mucaaradka Iyo Nuxurka Kullan Uu Xalay La Qaatey Xildhibaano Saameyn Ku Leh Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jookarka Siyaasadda Maxamuud Xaashi Oo Warwar Kale ku Abuurey Mucaaradka Iyo Nuxurka Kullan Uu Xalay La Qaatey Xildhibaano Saameyn Ku Leh Golaha Wakiilada
Siyaasiga saamaynta wayn ku leh saaxada siyaasadeed ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markale warwar ku abuurey mucaaradka somaliland,kadih markii xalay baraha bulshada lagu baahiyey sawirada kullan xasaasi ah oo uu la qaatey 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,islamarkaana kamid ah kuwa ugu saamaynta badab.

Kullankan Xaashi iyo xildhibaanada ayaa falaadh kale ku noqotey xisbiyada waddani iyo Ucid,kaas oo kusii huriyey warwarka ay ka qabeen furista ururada oo wakhtigan ah qaddiyada hadda taagan.


Siyaasi Xaashi waxa naloo sheegay in xildhibaanadan uu ku adkeeyey in aanay iska badalin mawqifkooda,islamarkaana ku dadaal sidi at u meel marin lahaayeen go'aankooda in la furo ururada. Xaashi Iyo Xildhibaanadan waxat isla qaateen arrintaasi, halka xildhibaanaduna dhankooda heleen ballanqaadyo kala duwan.

Kullankan ayaa sii huriyey xaalkii awalba qasnaa, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda ay maxkamadda sare ku dhawaaqdo go'aanka ay ka qaadanayso qaddiyadan.
LATEST NEWS