[Gacan Ku Dhiigle:-] Maayar Ciddin Oo Maleeshiyo Hubeysan U Adeegsaday Beelaha Habar Jeclo Ee Gobolka Saaxil Iyo Dilkii Taliye Caseyr Oo Aaritaankiisii..

Tuesday 27th March 2018 10:09:12
Gacan Ku Dhiigle:- Maayar Ciddin Oo Maleeshiyo Hubeysan U Adeegsaday Beelaha Habar Jeclo Ee Gobolka Saaxil Iyo Dilkii Taliye Caseyr Oo Aaritaankiisii..



Berbera (Karin News):- Maayor Cabdi Shakuur Ciddin oo beryahanba xaalad Amaan daro ka waday bariga magaalada berbera tan iyo intii hawlaha shidaal baadhista laga bilaabay gobolka saaxil gaar ahaan deegaanada bariga ayaa waxaa jira duulaano ay soo qaadeen maleeshiyo beeshiisa ah oo deegaano aanay lahayn uu haydh tuulayaal ugu soo magacaabay kuwaasoo dadkii deegaanka lahaa dusha kaga yimi kadibna markay iska soo eryeen uu dib u soo hubeeyay.



Waxaa xusid mudan inuu sameeyay deegaan sheegasho hor leh sida tuulooyin aanay reerkiisu degin oo uu qaar xitaa walaalkii haydh tuulo uga dhigay isagoo raba inuu qiil ugu sameeyo sheegashadii indho adayga iyo damaca walaan ahayd ee ay beeshiisu keligood gobolka iyo magaalada barbara ee la wado dego ku sheegan jireen inuu si ay u abuuranto xiisada hada taagan oo labadii casho u danbaysayba baabuur uu leeyahay tuulooyinka burco kibir iyo biyalay ay maleeshiyaad hubaysan dul keenayeen deeganada Beesha Bariga Barbara Ay Ku qabsabayaan, maleeshiyaadkaas oo qaarkood ka mid yihiin kuwii ka badbaaday in la ogaado inay ka mid ahaayeen maleeshiyaadkii buuraha isaga iyo cali xoorxoor ku masruufi jireen si ay u fuliyaan shirqoolo ay ka mid ahaayeen kii casayr lagu dilay iyo kuwo kale oo lidi ku ahaa danaha, madaxda iyo ganacsatada beesha bariga saaxil.


Hadaba Madaxwayne Biixi iyo Beesha Habar Awalba ha Ogaadaan bariga berbera dadka degaa dulqaadkii iyo intay islahaayeen tolkiin bal inuu is dhaamo oo miyirsado gartaana inaan waxan ay wadaan layska waabin waayine wax la xeerinaayo, raganimo yaqaanimadiinana la eegayo balse hada dalkana idinkaa isu xukuma xukunkii gacan ku dhiiglayaashii casayrna waa laydinka sugayaa, hadii la fulin waayana waxaa runa Sidii Mayor Ina Cidin Sheegay oo ahayd raga ku eedaysan in ay uba xidhan yihiin weerarkii ceelgerde markaa Casayr Dilkiisu isaguu dul Fadhiyaa Waa Sheegaa Ma Dhaafto Horena Waxbaa Looga Saaraayay Waaka ilayn waa nin wax isku oge shaqaalaha Asli Maydi Markay Barbara Yimaadaan Xidhxidha yidhaahda waa casayr ilmaadeeradii oo anigay i dilayaan!!!!

Karin News